Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa aad looga hadal hayaa fadeexad ku dhacday Safiirkii dalka Mexico u fadhiyey dalka Argentina , kadib markii la baahiyay Muuqaalka isaga oo buug ka xadaya goob maktabad ah.
Recardo Valero oo 77 jir ah ayaa lagu qabtay isaga oo maktabadda buugaagta iibisa ee El Ateneo Grand Splendid bishii Oktoobar kaxaday buug yaalay Maktabada , waxaana Kaamirada maktabada laga dhax arkay safiirka oo buuga la baxaya isaga oon lacag bixin.
Buuga la sheegay in uu xaday safiirka Maxico u fadhiyay dalka Arjantiin ayaa qiimihiisa lagu sheegay 10 doolar, waxaana buugan uu ka hadlayey taariikh nololeedkii Giacomo Casanova oo ahaa qoraa, askari iyo basaas Talyaani ahaa oo noolaa qarnigii 18-aad.
Danjire Recardo Valero ayaa sidoo kale la sheegay in mar kale isku dayey in uu shaat ka xado dukaan ku yaalla garoonka Ezeiza International Airport ee magaalada Buenos Aires markuu sugayey diyaaraddii uu Mexico u sii raaci lahaa.
Wasaarada arimaha Dibadda Maxico ayaa markii aragtay muuqaalka safiirka oo buug xadaya oo lagu baahiyay Warbaahinta iyo baraha bulshada u yeertay, waxa uuna Safiirka Wasaarada u sheegay in shaqada ka tagayo sababo caafimaad darteed.
War kasoo baxay Wasaarada arimaha Dibadda Maxico ayaa lagu sheegay in safiirka laga aqbalay is casilaadiisa, waxa ayna Wasaarada sheegtay in xaalada caafimaad lasoo daristay danjiraha iyadoona u rajeesay caafimaad .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com