Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa la geeyay ciidamo booliis ah oo ka socda dalka Seirra Leone, waxa ayna ciidankan qeyb ka noqonayaan Ciidamada AMISOM ee jooga magaaladaasi.
Ciidamada booliiska ee ka socda dalka Seirra Leone ayaa ka qeyb qaadanaya sugitaanka amniga magaalada Kismaayo, waxa ayna ciidankan caawin doonaan ciidamada booliiska maamulka Jubbaland.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa horey u meel mariyay in la kordhiyo tirada ciidamada booliiska AMISOM ee howlaha naabd ilaalinta u jooga Soomaaliya, waxa ayna ciidanka cusub qeyb ka noqonayaan ciidamo kale oo booliis ah oo horey u joogay dalka
Ciidamada booliiska AMISOM ayaa horey uga howl galayay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waxa ayna ciidamadan inta badan gacan ka siiyaan ciidamada booliiska Soomaaliya dhinaca tababarada iyo sidoo kale ilaalinta sharciga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com