Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Sacuudiga oo dhalashadii kala noqotay Suxufi si waalan u taageera Yuhuuda

Suxufi si aan gabasho laheyn ugu ololeeya in Sacuudigu xiriir la yeesho Israel ayaa lagala noqday dhalashadii dalkaasi.

Abdul Hameed Al-Ghabin ayaa Twitter-ka ku xaqiijiyay in dowladda Sacuudigu ay go’aankaas qaadatay, balse aan sababta rasmiga ah loo sheegin isaga.

Wargeyso ay Yuhuuddu leedahay ayuu weriyahan horey ugu qoray amaan uu kala dul dhacay hoggaamiyaha Israel Benjamin Netanyahu.

Wargayska kasoo baxa Israel ee Hayom ayuu sidoo kale, ku weeraray dalka Urdun oo uu ku tilmaamay dal nabad diid ah isagoo sheegay in Sacuudigu uu Israel u arko saaxiib waaqici ah mustaqbalka.

Isagoo sidii Yuhuudii u hadlaya ayuu sidoo kale sheegay in Israel ay cadow wadareed ku yihiin Saudi Arabia Iiraan, Akhwaanul Muslimiin, Al Qaacida iyo wax uu ku sheegay madaxda qar iska tuurka ah ee gobolka bariga dhexe.

Shacabka reer Falastiin ayuu u soo jeediyay inay dhulalkooda siiyaan Israel ayna u guuraan dalka Urdun oo uu ku tilmaamay, meel ay 78% dadkeedu Falastiin yihiin.

“Netanyahu, Ilaahay haku xafido. Waxaad daacad u ahayd dadkaaga, waxaad ahayd geesi go’aan leh. Muddo dheer ayayna dadka Israel ku qaadanaysaa inay soo saaraan mid adigoo kale ah. In dadka waawayn lagaa sharfo baad istaahishaa, waayo waxaad Israel ka dhigtay dal laga soo dhoweeyo gobolka Carabta,” ayuu yiri ninkan oo qoraal ku soo bandhigay baraha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Jabuuti oo shaacisay in Turkiga xal ka keeni karin khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Cabdi Cade

Deni oo Arin Muhiim ah kala hadlay xubno ka socda Guddiga Doorashooyinka (Sawirro)

Cabdi Cade

Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay magaalada Adis Ababa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---