Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaan kufsaday gabar aan qaangaarin oo xukun adag lagu riday (Sawirro)

Kuldeep Sengar oo ahaa Xildhibaan horey uga ka tirsanaa xisbiga talada haya ee dalka Hindiya BJP ayaa lagu xukumay xabsi daa’in ka dib markii lagu soo eedeyay inuu kufsi u geystay gabar aan qaan gaar ahayn.

Kufsigan ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu darnaa sannadadii ugu dambeeyay. Maxkamadda ayaa sidoo kale Kuldeep Sengar oo 51 sano jir ah ku amartay inuu bixiyo lacag mag dhaw ah oo gaareyso 35 kun oo doolar.

Gabadha la kufsaday ayaa waxaa uu dhaawac xun ka soo gaaray markii la isku dayay in shil gaari lagu dilo bishii July ee sannadkan balse way badbaadday.

Waxaa sidoo kale shilkaasi ku dhintay labo eeddo-yaalkeed ah oo iyada la safrayay. Dhanka kale waxa uu dhaawac xun shilka ka soo gaaray qareenkeeda.

Maxkamada ayaa ogaatay in gabadhan ay bishii June shaqa u doonatay Mr. Sengar balse la afduubtay ka dibna muddo toddobaad ah ay kufsanayeen isaga iyo rag kale oo saaxiibadiis ahaa.

Kiiskan ayaa ku soo beegmay iyadoo sannadkii la soo dhaafay dalka Hindiya ay gabar yar oo la kufsaday isku dayday iney is disho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Daawo Sawirada :Kheyre oo Kormeer ku tagay Taalada SYL iyo goobo kale oo Muhiim ah

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo weeraro & dilal cusub ka geystay Daanta Galbeed (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---