Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qarax Xoogan oo lagu weeraray Hotel ay Degan yihiin Saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya

Qarax xoogan oo loo maleenayo in uu yahay Ismiidaamin ayaa lagu weeraray Hotel kuyaala Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana Hotelka la weeraray la sheegay in ay degnaayeen saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qarax xoogan uu ka dhacay banaanka hore Hotel kuyaala Koonfurta Gaalkacyo, qaraxa kadib ayaana la maqlay rasaas xoogan oon wali la ogeyn cida rideysay.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi buux dhaafiyay ciidamada amaanka gaar ahaan Ciidamada Danab ee ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Hotelka Qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay in ay degnaayeen saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. C/xamiid iyo Taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxa kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Related posts

Wasiirka cusub ee arrimaha dibeda DF oo la kulmay danjire Mehmet Yilmaz

Caydiid Ali

Daawo:-Axmed Madoobe oo sir badan banaanka kenay & in uu Farmaajo dhufeys iyo dagaal ugu jiray muddo sanad ah !!

admin

Guddi baaritaan ku sameeya dadkii lagu laayay deegaanka Gololey oo la magaacabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---