Wararka ka imaanaya magaalada Motta oo katirsan gobolka Amxaarada dalka Itoobiya ayaa sheegay in dab la qabad siiyay sadex masjid oo kuyaala magaaladaasi, kadib markii ay weerareen dhalinyaro careesan .
Weerarka lagu qaaday masaajida kuyaala magaalada Motta ayaa yimid kadib markii dab uu qabsaday kaniisad kutaala magaaladaasi, waxaana dhalinyaro ka careesan Kaniisada gubatay ay weerareen dabna qabadsiiyeen masaajid oo kutaalay magaalada Motta.
Taliyaha booliska ee gobolka Amxaarada Jemal Mekonnen,ayaa sheegay in kaniisad ku taala magaalada Motta la gubay, waxa uuna xusay in dhalinyaro careesan iyana ay gubeen sadex masjid oo kuyaala magaalada.
”Isku daygu waxa uu ahaa in la gubo kaniisadda st George oo ku taalla magaalada Motta xalay oo dab ayaa la qabadsiiyay balse dadka ayaa damiyay dabkaasi, markaasi ka dib ayaa waxay dhalinyaro bilaabeen in weeraraan masaajidyo ,hal masjid ayaa gabi ahaanba la gubay halka labo kale qeyb laga gubay”, ayuu yiri Janaraal Jemal.
Waxaa wali jirta cabsi laga qabo in ay magaalada Motta ka dhacaan rabshado dhanka diimaha salka ku haya, waxaana magaalada qeybo kamid ah howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo ka wada ciidamada booliiska.
Dalka Itoobiya waxaa kusoo laab laabtay rabshado salka ku haya Qowmiyadaha iyo dhanka Diimaha , waxaana Xukuumada Abiy Axmed Hogaamiyo ku fashilantay wax ka qabashada colaadaha gudaha Itoobiya kusoo noq noqday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com