Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo Xil u magacawday Abwaan Soomaaliya Caan ka ah

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xilka ka qaaday Maariyihii Golaha Murtida iyo Wacyi galinta Maxamed Abuukar Mada , oo mudo dhoor bilood ah xilkaasi hayay.

Wareegto uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayuu xilka Maareeyaha Tayaatarka Qaraka ugu magacaabay Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf {Shube} oo kamid ah Abwaanada Soomaaliya Caanka ka ah.

Tayaatarka Qaranka oon shaqeyn mudo 30-sano ku dhaw ayaa waxaa hada ku socda  dib balaaran, waxaana lagu dhisayaa Mashruuca loogu magac daray Is Xilqaan , iyadoona la filayo in Tayaatarka dhawaan dib loo furo.

       Halkan ka Akhriso Wareegtada Magacaabista

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerarkii Hotel Cas-caseey oo la soo afjaray & & Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo

Caydiid Ali

Boqolaal qof oo dhimasho & dhaawac ku noqday qarax ka dhacay Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo soo gaba gabeysay la tashiga Xisbiyada Dalka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---