Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Caan ah oo Golihiisa Wasiirada u kala badelaya Sida Ciyaartoyda oo kale !!

Madaxweynaha dalka Liberia George Weah, ayaa wada qorshe cusub uu golihiisa Wasiirada ugu kala bedelayo sida ciyaartoyda oo kale, waxa uuna xusay in qorshahan uu yahay mid wax badan taraya .

Waxa uu sheegay George Weah, in dhawaan golihiisa Wasiirada ku sameyn doono isku shaandheyn, waxa uuna tilmaamay in aysan dhici doonin in Wasiiro cusub shaqada la keeno kuwa horey u joogayna shaqada laga eryo.

Madaxweynaha ayaa cadeeyay in uu doonayo in Wasiirada uu u kala bed bedelo sida ciyaartoyda oo kale marka garoomada ku jiraan, waxa uuna sheegay in boosaska loo kala bed bedayo wasiirada.

” Ciyaaryahan ayaad kawadan kartaa booska uu ka ciyaaro ee no-6 adiga oo geenaya booska no-8- taasina qalad maahan, marka waxaan doonayaa in Wasiirada sida ciyaartoyda oo kale boosaska loo kala bedelo” Ayuu yiri Madaxweyne Weah.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Liberia in hadii ay dhacdo in Wasiirada qaar laga saaro golaha ay noqon doonto mid KMG ah, waxa uuna xusay in dib loo soo celinayo Wasiirada meesha laga saaray sida ciyaartoyda la bedelo oo kale.

“Haddii xitaa wasiirrada qaar meesha laga saaro waxay noqon doontaa mid ku meel gaar ah – si la mid ah sida ciyaartoyda loo baddalo, oo haddana dib loogu soo celiyo kulamada kale, kuwa dhibaatooyinka kala kulma sidii ay shaqooyinkooda u qaban lahaayeen, waa laga fariisinayaa si ay wax u qiimeeyaan iyagoo bannaanka ka jooga xafiiska, marka sidaas lagu sameeyo, waxay dib u soo laabanayaan iyagoo si fiican doorkooda u qaadan kara”, ayuu yiri madaxweyne Weah.

Madaxweynaha dalka  Liberia George Weah ayaa horey usoo noqday Ciyaaryahan dunida caan ka ah, waxa uuna usoo ciyaaray kooxo waa weyn ay ugu caansan tahay Kooxda AC Milan uu wacdaro badan dhigay xiliguu uu u ciyaarayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ruto oo ka hadlay dibad baxyadii rabshadaha watay iyo Weerarkii Beerta Uhuro

Cabdi Cade

Golahu Wadatashaga Qaranka oo 5 qodob ka soo saaray talaabada ay qaaday Itoobiya (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidanka Ruushka oo duqeyn lagu hoobtay ka geystay Magaalada Zaporizhzhia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---