Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Dowlada federaalka oo beri shir Muhiim ah ka fureysa Kismaayo iyo Ujeedka Shirkaasi oo..

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyada Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Wasiirka Maaliyada ayaa la filayaa in beri magaalada Kismaayo ka furo shir ay yeelanayaan maamul goboleedyada dalka gaar ahaan Wasiirada maaliyada maamul goboleedyada iyo Wasaarada Maaliyada Soomaaliya.

Shirkan ayaana waxaa goob joog ka ah Wasiirada maaliyada ee maamul goboleedyada, waxaana shirkan uu daba socdaa shirar horey uga dhacay qaar kamid ah xarumaha maamul goboleedyada iyo dalka dibadiisa.

Dowlada federaalka shirkan garwadeynta ka tahay ee beri ka furmaya magaalada Kismaayo ayaa kusoo aadaya xili uu meeshii ugu xumaa marayo xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Xaaladda Gedo oo sii xumaanaysa & Ciidamo badan oo ku sii qul qulaya Ceelwaaq & Rooble oo amar Bixiyay !!

admin

Mareykanka oo gaadiid dagaal ku wareejiyey ciidanka kumandoska Danab (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaalyahano kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---