Qof kasta oo guriga ku heesta TV ama telefishin waxaa waajib ku ah bixinta lacagta canshuurta ee sanadka hase yeeshee dad badan ayaanan bixin lacagtaasi.
Dowlada Sweden oo horey ugu dhawaaqday canshuurtan ayaa soo saartay qiimo cusub oo dhanka canshuurta ah taasoo ka hooseysa midi hore oo aheyd 2,400 kronor sanadkii, hase yeeshee Waxaa laga dhigay 1,300 kronor sanadkii.
”Qof kasta oo hela lacag, tani way u fiican tahay” waxaa sidaa yiri Alice Bah Kuhnke oo dowlada ka tirsan.
Dowlada ayaa intaasi ku dartay in lacagtaasi uu bixin doono qof kasta oo bishii hela lacag dhan 13,600 kronor isla markana buuxiyay da’da 18 sano jirka.
Waxaa isweydiin leh haddii dowlada Soomaaliya ay canshuur ku soo rogi laheyd dadka telefishinada heysta maxaa dhici lahaa? Jawaabta akhristayaasha ayaan u daynay..
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com