Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Akhriso: Magacyada 10-ka qof ee sanadkan lacagta ugu badan ka sameeyey Youtube

Shirkadda Youtube ayaa shaacisay 10-ka qof ee lacagta ugu badan ka sameeyey bartaas sanadkan sii dhamaanaya 2019-ka.

Wiil siddeed jir ah oo bartiisa YouTube ku soo bandhiga kaartuunada ayaa sannadkii labaad noqday qofka lacagta ugu badan ka sameeyo YouTube.

Ryan oo cinwaanka YouTube-kiisa yahay (Ryan’s World) ayaa sannadkan YouTube ka sameeyay lacag dhan $26 milyan oo doolar, halka sannadkii 2018 uu ka sameeyay $22 milyan oo doolar.

Waxaa xiga Cinwaanada Youtube ee Dude Perfect iyo Nastya oo iyana kaalinta labaad iyo saddexaad galay iyagoo sameeyay $20 milyan iyo $18 milyan oo doolar.

Hoos ka akhriso liiska magacyada 10ka qof ee sanadkan lacagta ugu badan ka sameeyey barta Youtubka. 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Generaal Cabdalla Cabdalla oo laga saaray Xubinimadii Hay’adda NISA

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo xalay casho sharaf Maamuus ah ku qabtay Villa Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalalka G-7 oo qiimo cusub u gooyey Gaaska dalka Ruushka & Moscow oo diiday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---