Allbanaadir.com
NEWS

Shaqo Joojin lagu sameeyay Taliyihii Xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Sababta oo la cadeeyay

Taliska ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameeyay taliyaha Xabsiga Dhaxe ee Xama Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile , oo lagu eedeeyay in bukaan kala baxay Isbitaal uu ugu geeriyooday daryeel la’aan.

Afhayeen Ciidanka Asluubta Soomaaliya G/le Sare Cabdiqani Maxamed qalaf oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa xaqiijiyay in shaqo joojin lagu sameeyay taliyihii xabsiga dhaxe ee Xamar.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ay socdaan baaritaano ku aadan sida uu u geeriyooday Maxbuuskii laga soo saaray isbitaal gaar loo layahay, waxa uuna beeniyay in maxbuuska ku geeriyooday Xabsiga Dhaxe isagoona xusay in uu ku geeriyooday Isbitaalka Martiini.

Afhayeenka ayaa cadeeyay in ay socdaan baaritaano ku aadan kiiskan iyo sida ay wax u dhaceen, waxa uuna ka codsaday Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeed in aysan buun buunin arintan inta ay baaristu socoto.

Maxbuuska geeriyooday ayaa la sheegay in taliyaha Xabsiga Dhaxe Jeneraal Xirsiile uu si xoog ah uga soo saaray Isbitaal gaar loo leeyahay oo la geeya,y isagoona dib ugu celiyay Isbitaalka Martiini oo markii hore ku jiray halkaas uu ku geeriyoosay maxbuuska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Wasiir Beyle oo shuruud ku xiray bixinta Lacag uu horey u amray Ra’isul Wasaare Kheyre

Cabdi Cade

Askari dilay gabar wax ka baraneysay Jaamacad ku taalla Magaalada Garowe

Caydiid Ali

(Sawirro) Dowlada Somalia oo deeq gaadiid ah ka gudoontay dhigeeda K/Kuuriya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---