Waxaa saacadihii lasoo dhaafay Warbaahinta iyo baraha bulshada lagu baahinayay Muuqaal laga duubay taliyaha Xabsiga Dhaxe ee Xamar Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile  oo Isbitaal kala baxaya Maxbuus ku xirnaa Xabsiga Dhaxe .
Maxbuuska uu taliyaha xabsiga kala baxay ayaana saacado kadib u geeriyooday xanuunkii hayay, waxa ayna taasi keentay in ehelada marxuunka geeriyooday ku eedeeyeen taliyaha in masuul ka ahaa geerida Maxbuuska maadaama xoog uga saaray isbitaalkii la geeyay.
Jeneraal Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in maxbuuska geeriyooday uu ku xukunaa 8-sano oo xabsi ah, waxa uuna sheegay in si khaldan looga saaray Isbitaal maxaabiista lagu daweeyo loona geeyay isbitaal kale.
Waxa uu sheegay taliyaha in maxbuuska oo qabay xanuunka macaanka si khaldan loogala baxsaday xabsiga iyada oo la adeegsanayo dhaqtar , waxa uuna tilmaamay in 40-daqiiqo kadib uu ka daba tagay kana soo saaray isbitaal kale oo la geeyay maxbuuska.
Taliye Xirsiile ayaa sheegay in Maxbuuska ku celiyay isbitaalka Martiini uu sheegay in lagu daweeyo maxaabiista xanuunsan, waxa uuna cadeeyay in maxbuuska labo maalin kadib u geeriyooday xanuunkii hayay.
Jeneraal Xirsiile ayaa sheegay in uu hayo cadeynta warqadihii caafimaadka oo ay ku qoranyihiin xilliga uu geeyey isbitaalka Martiini oo ah isbtitaalka sharciga ah ee lagu daweeyo maxaabiista ku xanuunsata xabsiga dhexe.
Waxa uu sheegay taliyaha in ehelada marxuunka uga shakiyay in ay doonayeen in ay la baxsadaan Maxbuuska isagoona tilmaamay in marar badan isku dayeen in xabsiga ka saaraan kana dacwoodeen maxkamadaha.
Ehelada marxuun Xasan Kurtun Calasow ayaa ka codsaday Madaxda dowlada Soomaaliya in ay xirto darajadana ka qaado taliyaha xabsiga dhaxe ay ku eedeeyeen in uu sabab u ahaa geerida Maxbuuska kadib markii xoog uga saaray isbitaalkii lagu daweenayay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com Â