Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Geneva kaga qayb galay shirka Qaxootiga dunida (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo shalay gaaray Switzerland ayaa maanta magaalada Geneva uga qayb galay madasha qaxootiga adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga.

Madasha qaxootiga adduunka oo ah tii ugu horreysay ee la qabto, ayaa sanadkaan diiradda lagu saarayaa isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca.

Ka qayb galayaasha ayaa ka hadlaya xaaladda taagan iyo sida loo xoojinayo ka jawaabidda caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga iyada oo addunyada dacalladeeda ay ku suganyihiin Malaayiin qof oo ay saameeyeen dagaallo, rabshado iyo dhibaatooyin kale.

Tirada qaxootiga ku sugan daafaha dunida ayaa kor u dhaaftay 25 mliyan, waxaana Soomaaliya – oo gudaheeda ay barakacayaal ku yihiin 2.6 Milyan oo ruux – sidoo kale waxaa ku nool 35,438 ruux oo isugu jirta qaxooti iyo dad kale oo megengalya doon ah.

Madasha oo Soomaaliya sidoo kale madasha ay ka joogaan wasiirrada qorsheynta iyo gargaarka iyo mas’uuliyiin kale, ayaa madasha ka cadeyneysa in ballan qaadkeeda diiradda lagu saarayo sedax arrimood oo kala ah, isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadda, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha iyo xaluusha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

Raiisul wasaare Khayre oo kulan la qaatay Madaxweyne Deni iyo Islaan Ciise islaan Maxamed Safar uu ku tagay Garoowe(Daawo Videio)

admin

Raisul Wasaare Khayre oo la kulmay wafdigii ay horkaceysay Mrs. Ine Eriksen Søreide

Caydiid Ali

Doorasho beri ka dhaceysa Baydhabo iyo 12 musharax oo isku taagay (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---