Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maxkamad dil ku xukuntay Madaxweyne caan ah ka dib markii lagu helay..

Madaxweynihii hore ee dalka Pakistan Jen. Pervez Musharaf ayaa maanta maxkamad gaar ah waxay ku xukuntay dil ka dib markii lagu haley dambi ah khiyaano Qaran isagoo ka maqan dalka.

Musharraf ayaa lagu eedeeyay in sanadkii 2007 uu dalka ku soo rogay xukun deg deg ah isla markaana uu joojiyay dastuurka dalka, isagoo ujeedadiisu aheyd inuu dheereysto xukunka.

Sadex qaadi oo qaadaysay dacwadiisa ayaa waxay heleen khiyaano Qaran, iyadoo dacwadan maanta lagu heley ayaa hakad ku jirtey tan iyo sanadkii 2013.

Musharraf ayaa awooda Pakistan afgembi kula wareegay sanadkii 1999 waxaana uu wadanka xukumayay laga soo bilaabo 2001 ilaa 2008, isagoo hadda dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo dhowaan loogu ogolaaday inuu isku soo daweeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

 

Related posts

Labo kamid ah ciidamadii loo heestay Dilka Gudoomiyihii Hodan oo lasii daayay (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo soo saaray Amaro cusub oo la xariira..

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay kulan Madaxweyne Biixi la qaatay RW ku-xigeenka Imaaraadka? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---