Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maqaayada ugu caansan Waddanka Canada oo soo saartay amar muran dhaliyey

Tim Hortons oo ah maqaayad caan ah oo ku taala dalka Canada, iibisana cuntooyinka fudud iyo qaxwada ayaa soo rogtay sharci cusub oo dood badan ka dhex abuuray dadka ku nool dalkaas.

Wargelin sheegeysa in qof kasta oo cunto ama cabitaan ka iibsada Tim Hortons uusan fadhin Karin wax ka badan nus saac (30 daqiiqo) ayaa Maqaayaddan lagu dhajiyay,

Qofkii intaa ka badan fadhiya waxay wargelintu sheegeysaa in loogu yeeri doono Booliska si maqaayada looga saaro.

“30 daqiiqo ka dib marka aad wax iibsato Meesha isaga tag, haddii qofka uu sii fadhiyo wax ka badan nus saac, waxaa loogu yeerayaa booliska,” ayaa lagu sheegay wargelinta.

Dadka inta badan fariista maqaayaddaas waxay kaga nastaan mashquulka shaqada, waxayna ka cabaan shaaha iyo kafeega, balse maamulka Tim Hortons ayaa go’aanka soo rogtay.

Amarkan ayaa saameynaya Soomaali badan oo ku nool dalka Canada, kuwaasoo inta badan fadhi ku dirir ku qabsada halkaas iyo maqaayadaha la midka ah, waxaana go’aankan soo dhaweeyay qaar ka mid ah dumarka Soomaalida oo sheegay iney guryaha ku cidloodeen go’aankana uu iyaga u keeni karo isbedel.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Ujeedka Safarka Madaxweynaha ku aaday Masar

Cabdi Cade

Iska horimaad iyo dil ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Golaha shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeed muhiim ah oo la horgeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---