Dowlada Shiinaha ayaa si adag uga jawaabtay qoraalkii uu ku cambaareeyay Ciyaaryahanka Mesut Ozil oo sheegay in dowlada Shiinaha dhibaatooyin xoogan ku heyso muslimiinta laga tirada badan yahay ee dalkaasi kunool.
War kasoo baxay dowlada Shiinaha ayaa lagu sheegay in ciyaaryahn Ozil lagu dhagray warka uu faafiyay , waxa ayna xukuumada Beijing ku casuuntay Ciyaaryahanka in uu soo booqdo gobolka Xinjiang si uu indhihiisa ugu arko nolosha muslimiinta.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda China, Geng Shuang ayaa maanta sheegay in ciyaaryahan Ozil uu baahiyay hadalo aan run ahayn, isgoona ka codsaday in indhihiisa kusoo arko xaqiiqada gobolka ka jirta.
“Haddii uu leeyahay dareen wanaagsan, wuu kala saari karaa sax iyo qalad, wuxuuna qaadan karaa mabda’ hadaf leh oo dhex-dhexaad ah, gobolka Xinjiang wuxuu haystaa xasilooni siyaasadeed, horumar dhaqaale, midow qarannimo, jaceyl bulsho, islamarkaana dadka halkaas waxay ku nool yihiin kuna shaqeystaan nabad iyo qanacsanaan.” ayuu yiri Geng Shuang.
Mesut Ozil oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Turkiga, laakiin ku dhashay Jarmalka oo uu dhalashadiisa haysto, ayaa si aan looga baranin ciyaaryahannada, waxa uu toddobaadkan noqday hiilka ugu weyn ee ay Muslimiinta tirada yar ee Uighur helaan, kaddib markii farriin uu ku qoray barihiisa bulshada ee Instagran uu ku sheegay in uu garan la’ yahay sababta ay dunidu dhabarka ugu jeedisay shacabka Muslimiinta ah ee lagu xasuuqayo China, isla markaana ay dawladihii Muslimka ahaa uga hadli la’ yihiin.
“(Gudaha China) Qur’aan ayaa lagu gubay, masaajiddo ayaa la heshay, Iskuulladii diinta lagu baranayey iyo Madarasadihii ayaa dab la qabadiisiyey, culimadii diinta ayaa mid mid loo dilay. Waxaas oo dhan oo dhacaya, Muslimiintu way ka aamusan yihiin.” Ayuu Ozil ku yidhi qoraalkiisa.
Hadalka kasoo yeeray Ozil ayaa ka careesiiyay dowlada iyo shacabka Shiinaha, waxaana ciyaartii xalay dhax martay Arsenal iyo Manchester City aan laga baahin telefihinka dowlada shiinaha sababo la xariira xiisada ka dhalatay hadalkii Ozil.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com