Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada Booliiska oo la sheegay in aysan ka agdhawaan karin xarunta Madaxtooyada

Waxaa la adkeeyay amaanka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kadib weerarkii dagaalyahano katirsan Al Shabaab dhawaan ku qaadeen Hotelka SYL ee kuyaala halka laga galo xarunta Madaxtooyada.

Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee loo yaqaan Koofiyo casta ayaa la sheegay in diideen in baraha koontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada ka gudbaan ilaalada ay wataan masuuliyiinta dowlada qaarkood sida Xildhibaanada.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la xiray aaga xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa uuna cadeeyay in Madaxtooyada laga mamnuucay ilaalada ay wataan Xildhibaanada iyo saraakiisha.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Fiqi in ciidamada ilaalada Madaxtooyada u dhaqmayaan si aan asluubsaneyn, waxa uuna xusay in aaga Madaxtooyada aysan kasoo agdhawaan karin ciidamada xiran dareeska booliiska Soomaaliya sida uu tilmaamay.

”Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la xayiray dhammaan wadooyinka agmara ama soo gala madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaa laga mamnuucay ilaalada la socota mas’uuliyiinta dawladda, xildhibaanada iyo saraakiisha ciidamada intooda badan, ciidamadu si aan usluubaysnayn ayey ula dhaqmayaan mas’uuliyiinta dawladda, waxaana la yaab leh In ciidamada booliska dareeskooda ciddii wadata aysanba carriga ka soo ag-dhowaan karin.” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo in sadexdii sano ee ugu horeesay maamulkiisa kala xiray isku socodka Muqdisho sanadkan ugu dambeeyana uu maamulka Farmaajo bilaabay kala xirista isu socodka hey’adihii dawladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Lamaane geeriyooday xili arooskooda la galbinayay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliye Indha-qarshe oo kormeeray Xerada ciidamada Kumandoska ee Bali-doogle (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xamaas oo Gantaalo culus ku garaacday Isreal iyo argagax xooggan oo ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---