Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday Axmed Cali Aybakar oo Maxkamada ku heshay in uu katirsanaa Al Shabaab una qaabilsanaa daryeelka bukaanada Al Shabaab iyo u kireynta guryaha.
Ciidamada amaanka ayaa ninkan kasoo qabtay xarun caafimaad oo kutaala magaalada Muqdisho xiligaas oo la sheegay in uu waday bukaan katirsan Al Shabaab isaga oo iska dhigayay in uu waarid u yahay.
Axmed Cali ayaa lagu eedeeyay in Al Shabaab qaabilsanaa in uu u kireeyo guryo kuyaala Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee Muqdisho uu geyn jiray dagaalyahanada soo dhaawacma iyo kuwa xanuunsan.
Axmed Cali Aybakar ayaa ahaa shaqsi ku ii biya agagaarka Qabuuraha Barakaat agabka duugta, waxa uu qiraalkiisa ku sheegay in saaxiibkiis ay ka wada shaqeyn jireen Waratada Dharka xilli hore uu ku qanciyay ku biirista Alshabaab.
Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda u sheegay in Eedeysanaha Cimrigiisa oo kaga faaâideystay dhagridda dadka, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in dadka ay ku ixtiraami jireen daâda uu jiro oo la siman 60-ka.
Qareenka u dooday eedeysanaha ayaa Maxkamadda u sheegay in Axmed lagu cadaadiyay shaqada uu hayay, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in loo naxariisto maadaama uu daâ yahay.
Garsoorayaasha oo ay ku qaadatay dhagesiga kiiskan saacado ayaa ugu dambeyn goâaamiyay in lagu xukumo 10-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com