Ahmed Farah oo ah nin la dhashay orodyahanka caanka ah ee Mo Farah ayaa laga soo tarxiilay dalka UK, laguna soo celiyey Soomaaliya, kadib markii uu dhamaystay xabsi 4 sano ah oo horey ay ugu riday maxkamad ku taalla dalkaas.
Ninkan oo 30 jir ah ayaa lagu helay inuu ka qeyb qaatay weerar mindi loo adeegsaday oo sanadii 2010 ka dhacay magaalada London gaar ahaan xaafadda Southall.
Ahmed oo ku sugan magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa la hadlay Wargeyska Daily Mirror isagoo ka qoomameeyey dembiga uu galay ee sababay xariga iyo masaafurinta.
“Khalad weyn ayaan sameeyey, balse maxaa laba goor la iigu ciqaabayaa wixii dhacay Waxay la mid tahay ayadoo lagu yiri xabsi gal, markaad ka baxdana xabsi kale gal” ayuu yiri.
Waxaa uu sheegay in muddo 10 sano ah uusan la hadal walaakiis Mo Farah, uusan wax cuqdad ah u haynin, balse uu isweydiinayo in caanimada walaalkiisa ay isaga dhaawacday iyo in kale.
Ahmed ayaa la xiray horaantii 2011, waxaana la sii daayey 2014, balse maadaama uusan ahayn muwaadin British ah, waxaa laga qaaday sharcigii dalkaas taasoo horseeday in dalkaas laga soo masaafuriyo.
Booliska London ayaa sheegay in sababta Ahmed loogu masaafuriyey Somalia ay tahay in loo arkay Qatar inuu ku yahay amniga muwaadiniinta dalkooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com