Allbanaadir.com
NEWS

Muqdisho iyo Dooxa oo la mataaneenayo iyo Heshiis laga gaaray (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (filish) ayaa maanta Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar hishiis kula saxiixday Dhigiisa Magaalada Dooxa Md: Jamal Madar. Hishiiska labada magaalo ayaa ah hishiis mataanayn oo noqonayo markii ugu horeeysay taariikhda labada Magaalo.

Hishiiskaan mataanaynta ah ayaa waxa uu ka koobanayahay 10 qodob oo ay labada magaalo iska kaashan doonaan sida dib u dhiska magaalada, isdhaafsiga aqoonta & xirfadaha, horumarinta adeegyada bulshada ee assaasiga ah sida Caafimaadka, nadaafadda iyo dhiraynta magaalooyinka, mas’uuliyiinta & hoowlwadeenada labada magaalo oo booqashooyin ku kala bixin doono Magaalooyinka Muqdisho iyo Dooxa si looga wada shaqeeyo barnaamijyo mid ah oo lagu horumarinaayo labada magaalo.

Waxaa sidoo kale ka mid ah hishiiskaan in labada magaalo iska kaashadaan horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga iyo sidoo kale in labada magaalo ay ka wada faa’iideestaan barnaamijyada iskaashiga & horumarinta oo ay qabtaan labadooda doowladooda ee Soomaaliya iyo Qadar.

Guddoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa labadii maalin ee la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dooxa isagoo ka qaybgalayay Madasha Dooxa kana mid ah wafdi rasmi ah oo soo gaaray dalka Qadar kaas uu hogaaminayay Ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir arrin Xasaasi ah looga hadlayay oo Turkiga ka furmay

Cabdi Cade

Shir Feerfeer uga furmay Hirshabelle & Dowlad degaanka Soomaalida (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Xasan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---