Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay xoghayaha maaliyadda dowladda Mareykanka, Steven Mnuchin, oo kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha 19-aad ee Dooxa.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Steven Mnuchin ayaa looga hadlay dardar gelinta barnaamijka deyn cafinta ee gebagebada maraya iyo dowrka dowladda Mareykanka ee ka mira dhalinta dadaallada socda.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya kana caawiya dib-u-dhiska hey’adaha dowladeed.

Kulanka ayaa qayb ka ah kulamada uu Ra’iisul wasaaruhu la yeelanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Mudane Xasan Cali Khayre oo shalay ka qayb galay furitaanka Madasha Dooxa ayaa maanta khudbad ka jeedinaya madasha oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah

Related posts

Guddiga dhismaha garoonka Cawaale oo lagu cadaadinayo iney celiyaan lacagtii DF

Caydiid Ali

Madaale oo Lacago baad ah ka raba Shirkado Qandaraasyo la siiyay iyo Dacwad laga gudbiyay

Cabdi Cade

DF oo ku guuleysatay xalinta caqabad heysatay Soomaalida ku nool dalka Sudan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---