Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Ciidamada NISA oo fuliyay howlgal dad kala duwan lagu soo qabtay (Daawo Sawirada)

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa howlgal gaar ah waxa ay ka fuliyeen gudaha Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo iyo deegaano kale oo kuyaala duleedka degmadaasi.

Howlgalka ay fuliyeen ciidamada Nabad sugida ayaa lagu soo qab qabtay dhowr qof uu ku jiro nin la tuhmayi in uu katirsan yahay Al Shabaab kaa oo dhuumaaleysi ku joogay Tuulada Hareen Tuurre ee duleedka Balad Xaawo.

Ciidamada Nabad sugida ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay waxyaabaha maanka dooriya sida xashiishada iyo ragii isticmaalayay iyo kuwa ka ganacsanayay sida uu sheegay taliyaha nabad sugida ee gobolka Gedo.

Taliyaha Nabadi Sugidda ee Gobolka Gedo Cali Deyr ayaa sheegay in howlgalka ay fuliyeen ciidamada nabad sugida guul kusoo dhamaaday, waxa uuna cadeeyay dadkan lasoo qab qabtay in la horgeyn doono maxkamad si loogu qaado dambiyada loo heesto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo diyaarado iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah u diraya …

Cabdi Cade

Israel oo go’aan cusub ka soo saartay Muslimiinta Maraykanka ee dalkeeda booqanaya

Caydiid Ali

Farmaajo: “Suuragal maaha inay nagu dhex jiraan dad gacan siinaya argagixisada” (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---