Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSPUNTLAND

Maamulka Puntland oo eedeymo kulul u jeediyey madaxda dowlada Somalia

Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa ku eedeeyay dowlada Soomaaliya inaysan wax kaalmo ah gaarsiinin dadka ay saameeyeen roobabkii dhawaan ka da’ay Puntland.

Cabdisamad Yuusuf Max’ed waxaa uu sheegay in bakhaaro ku yaalla Muqdisho ay ka buuxaan Gurmadkii loogu tala galay shacabka, dowladda dhexe ee Soomaaliyana ay Puntland ka hortaagan tahay in shacabkeeda la caawiyo.

“Wixii uu caalamku soo dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa isku koobtay, taasoo aysan ogoleyn inay ku caawiso dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Cabdisamad Yuusuf Max’ed.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Puntland aysan kasoo horjeedin in la caawiyo Shacabka ku dhibaateysan gobolka Gardafuu oo inta badan Wadooyinkii go’ayeen Roobab ka da’ay degaanada maamulka Puntland.

Waxaa uu shacabka Puntland ka codsaday inay ogaadaan Hagardaamo uu sheegay inay ku heyso dowladda dhexe ee Soomaaliya, isagoo sheegay in madaxda Puntland ku metela dowlada dhexe ay gabeen waajibaadkii ka saarnaa wax u qabashada dadkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo shaacisay xiliga dalka laga bilaabayo shidaal qodista

Caydiid Ali

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caawa talo siiyay Kooxda Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Dagaal xooggan oo ka socda magaalooyin kuyaalla Itoobiya iyo garoomo diyaaradeed oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---