Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dooxa Kula Kulmay Dhiggiisa Qatar (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kula kulmay dhiggiisa dowladda Qatar, Sheikh Abdullah bin Nasser bin Khalifa Al Thani.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa ka wada hadalay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Ra’iisul wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha gudaha, oo bogaadiyay guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay dib-u-habeynta, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay ka go’antahay adkayna xariirka soo jireenka ah ee labada dawladood.

Kulanka uu Ra’iisul Wasaare Khayre la qaatay dhiggiisa Qatar ayaa qayb ka ah kulamo doceedyada uu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qayb geleysa madasha Dooxa.

Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta ka qayb galay furitaanka Madasha 19aad ee Dooxa ayaa maalinta berri ah khudbad ka jeedinaya madasha Dooxa oo sannadkaan looga hadlayo ajandayaal muhiim ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Yuusuf dabageed kala hadlay Saraakiisha ciidamada gobolka Hiiraan? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor Qoor oo gaaray deegaanno dhawaan labo beel ku dagaallameen (Sawirro)

Cabdi Cade

Villa Somalia oo Go’aan ka dhan ah Xildhibaanada soo saartay iyo Qoor Qoor oo Waji kale lasoo baxay

admin
Taboola Ads ---