Allbanaadir.com
NEWS

Jaamacadda Jazeera oo soo kordhisay koorsooyin caafimaad oo heer caalami ah (Sawirro)

Maamulka Jaamacadda Jazeera oo looga bartay ku dadaalidda tayada iyo anshaxa wanaagsan ee waxbrashada sare ayaa u soo kordhisay guud ahaan ardayda ka abxday jaamacadaha dalka iyo dhakhaatiirta shaqaysa intaba koorsooyin caafimaad oo caalami ah, kuwaas oo wax badan ka tari doona xagga aqoontooda

Koorsooyinkaan Caafimaadka ah ee Jaamacadda Jazeera soo kordhisay ayaa dhakhtarkii dhamaytawaxaa uu ku qaadanayaa shahaadooyin caalami ah, waxayna kala yihiin koorsooyinka iyo shahaadooyinkoodaba: Medical Courses MRCS Part A & B, MRCP Part A & B, MRCPCH Part A & B, MRCOG Part A & B, FRCSOpth Part A & B and Medical Certificates MRCS, MRCP, MRCPCH, MRCOG and FRCSOpth

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu daah furay koorsooyinkaan caalamiga ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay Maamulka Sare Jaamacadda Jazeera, qaar ka mid ah Madaxda Isbitaalada Dalka iyo Dhakhaatiir isugu jira kuwa hore iyo kuwa cusub intaba, iyadoona martidii kala duwanayd ee lagu casuumay ay aad us oo dhaweeyeen koorsooyinkaan qiimaaha badan ee loo soo kordhiyay dhakhaatiirta

Ugu horeyn Dr. Cabdi Samad Xasan Haye oo ah Gudoomiyaha Waxbarashada Sare ee Jaamacadda Jazeera ayaa sheegay in koorsooyinkaan ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee nuucooda ah ee Jaamacadda Jazeera u keento guud ahaa dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ka baxay Jaamacadaha Dalka, isagoona sheegay iney aad muhiim ugu yihiin korsooyinkaan caalamiga ah guud ahaan dhakhaatiirta

Gudoomiyaha Jaamacadda Jazeera Prof. Salaad Ibraahiim Fiidow ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in guud ahaan ardayda Soomaaliyeed ay yihiin kuwo kaalmaha ugu horeeya ka gala wadamada ay waxbarashada u tagaan, isagoona intaa ku daray in sababaha koorsooyinkaan caalamiga ah ay ugu  keeneen dhakhaatiirta ay tahay sidii ay ugu suurtagali lahayd iney wax ka bartaan dunida inteeda kale

Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii lagu casuumay munaasabadda daah furka koorsooyinkaan caalamiga ah ee dhanka caafimaadka ayaa ku amaanay Maamulka Jaamacadda Jazeera sida isdaba joogga ah ee ay ugu soo kordhinayaan hadba wixii muhiim u ah ee wax ka taraya aqoona dhakhaatiirta Soomaaliyeed, wuxuuna ku bogaadiyay Maamulka Jaamacadda Jazeera iney sii joogteeyaan dadaaladaas qiimaha badan, isagoona guud ahaan dhakhaatiirta ugu baaqay iney ka faa’iideystaan fursadaan qiimaha badan ee Jazeera u keentay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdi ka socda Wasaarada Difaaca Maraykanka oo Muqdisho lagu qaabilay (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo lagala wareegay degaano cusub & Saraakiil War ka soo saaray

Caydiid Ali

Golaha Wasiiraada maamulka Somaliland oo ansixiyay labo xeer oo muhiim u ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---