RW Britain Boris Johnson ayaa dib ugu laaban doona xafiiska Downing Street isagoo si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday shalay.
Xisbiga Mr Johnson ayaa xitaa guulo ka soo hoyiyay goobo ay caadiyan markii hore ku guuleysan jireen xisbiga shaqaalaha.
Iyada oo ay hartay in lagu dhawaaqo natiijada dhowr kursi ayaa waxaa la saadaalinayaa in xisbiga muxaafidka uu helaya aqlabiyad dhan 78.
Xisbiga muxaafidka ayaa heli doona 364 xildhibaan, halka xisbiga shaqaalaha ay ku guuleysteen kuraas dhan 203, SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal kursi ah.
Arrintan waxay ka dhigan tahay in xisbiga muxaafidka ay aqlabiyadii ugu balaarnayd ku yeelan doonaan baarlamaanka tan iyo 1987.
Rai’sul Wasaaraha ayaa sheegay in guushan ay siinayso fursad “uu ku hirgaliyo ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub.
Jeremy Corbyn ayaa dhankiisa sheegay in ay u tahay habeen aad uu u niyad jabay isla markana uusan u tartami doonin mustaqbalka doorashooyiinka soo socda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com