Baarlamanka Somalia ayaa magacaabay guddi ka kooban 12 xildhibaan oo ka shaqeyn doona gurmadka loo fidinayo shacabka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose oo uu saameeyey fatahaada webiga Shabelle.
Daadad ayaa ku fatahay xaafado badan oo ka mid ah degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegay inay kasii dareyso xaalada
Ilaa 200 oo qoys oo deganaa hareeraha webiga Shabeelle ayaa lagu warramayaa inay guryahooda ka barakaceen
Mas’uuliyiinta degaanka ayaa sheegay inay ka digayaan in halis caafimaad ay kasoo socoto fatahaaddan.
Hoos ka akhriso magacyada guddiga gurmadka Afgooye:-
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com