Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Lungu oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Somalia

Madaxweynaha Zambia ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaas, Marwo Xaawo Xasan Maxamed.

Safiiradda ayaa ugu horreyn dhambaal iyo Salaan ay ka siday Madaxweynaha Soomaaliya gaarsiisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Zambia Edgar Lungu

Sidoo kale waxay xusuusisay Madaxweynaha dalkaas Safiirka xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iyadoo la xusuusto in muddo Qarni ku dhow ka hor ay dad Soomaaliyeed u shaqo tageen dalkaas Zambia, taasina ay muujineyso walaalnimada iyo saaxiibtinimada ka dhexeya labada waddan.

Safirika Soomaaliya ee Zambia Xaawo Xasan Maxamed ayaa uga  mahadnaqey sida sharafta leh ooaey u soo dhaweeyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Zambia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Magaalooyinka Muqdisho iyo Bagdaad oo iskaashi cusub yeelanaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin oo ka hadlay go’aankii ay Maxkamadda sare ku diiday dacwadiisa (Akhriso)

Caydiid Ali

Aqoonyahan Caan ah oo loo doortay Senator kadib doorasho adag oo dhacday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---