Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo ka hadlay Heshiiska Dowlada iyo Ahlu Sunna gaareen

Dowlada Mareykanka ayaa soo dhaweesay heshiiska ay Dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ka gaareen dhismaha Maamul loo dhan yahay ee yeelato Galmudug.

War Saxaafadeed uu soo saaray Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto ayuu kusoo dhaweeyay Heshiiska ay dhismaha Galmudug ka gaareen Dowlada federaalka iyo Ahlu Sunna.

Donald Yamamoto ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay taageereyso heshiiskan ayna ka go’an tahay taageerida dadaalada socda, waxa uuna cadeeyay in dowladiisa gacan ka geesaneyso in Soomaaliya la gaarsiiyo nabad iyo xasillooni buuxda.

“Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab, waxaan aqoonsan nahay dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale  tanaasulka adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta heshiiska,” ayaa lagu yiri qoraalka Qoraalka Yamamoto.

Beesha Caalamka ayaa gacan ka geesatay heshiiska ay gaareen dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Ahlu Sunna , waxaana heshiiskan uu horseedayaa dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliska Somalia oo War ka soo saaray qaraxii ka dhacay isgoyska Dabka

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: R/Wasaare Kheyre oo ka qeyb galay Munaasabad ka dhacday Muqdisho

Cabdi Cade

Puntland oo amartay in Hawada laga saaro Telefishinka maamulka Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---