Allbanaadir.com
NEWS

Ahlu Sunna oo War kasoo saartay Heshiiska ay Dowlada la galeen (Halkan Akhriso)

Magaalada Dhuusomareeb waxaa heshiis ku gaaray Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka ee Xukuumada Soomaaliya iyo kooxda Ahlu Sunna ee maamusha qeybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Wasaarada arimaha Gudaha ayaa u ogolaatay kooxda Ahlu Sunna in Baarlamaanka cusub ku yeelato 20-Xildhibaan , Ahlu Sunna ayaana ogolaatay heshiiska iyo sidoo kale tirada Xildhibaanada la siiyay.

Qoraal kasoo baxay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Ahlu Sunna heshiiska u saxiixay ayaa sheegay in ay u tanaasuleyn shacabka Galmudug ayna aqbaleyn heshiiska lagu dhisayo Galmudug loo dhan yahay.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa u mahad celiyay Beesha Caalamka uu sheegay in gacan ka geesatay heshiiskan, waxa uuna ugu baaqay bulshada Galmudug in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo Horumarka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Muuqaal ka hadlaya Madaxwaynaha ugu saboolson dunida iyo Madaxda caalamka oo la yabay!!

admin

Midowga Afrika oo ku dhawaaqay xaalad deg deg ah (Sababta)

Caydiid Ali

Xamse Barre oo arrimo muhiim ah kala hadlay Maxamed El-amine (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---