Waxaa heshiis laga gaaray Khilaafkii u dhaxeeyay dowlada federaalka Soomaaliya iyo kooxda Ahlu Sunna ee ku aadanaa dhismaga Galmudug loo dhan yahay iyo sida loo qeybsanayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug.
Qoraal kasoo baxay Wasaarada arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaaray arimaha Galmudug kadib wadahadlo mudo labada dhinac u socday.
Heshiiskan cusub ee la gaaray ayaa kooxda Ahlu Sunna waxaa loogu ogolaaday in Baarlamanaka cusub ee Galmudug yeelanayo laga siiyo 20-Xildhibaan oo qeyb ka ah 89-ka Xildhibaan uu ka kooban yahay Baarlamaanka Galmudug.
Halkan ka Ahhriso Qoraalka Heshiiska lagu shaaiyay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com