Allbanaadir.com
NEWS

Qadar oo maanta dowlada Soomaaliya ku wareejisay Basas (Daawo Sawirada)

Dowlada Qadar ayaa maanta ku wareejisay Dowlada Soomaaliya gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir 30-gaari oo nuuca basaska ah, waxaana basaskan loogu tala galay in loogu adeego shacabka Gobolka Banaadir.

Basaskan lagu wareejiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa dhawaan la keenay magaalada Muqdisho, waxaana maanta si rasmi ah basaskan loogu wareejiyay masuuliyiin katirsan maamulka gobolka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa uga mahad celiyay dowlada Qadar basaskan ay ku wareejisay iyo taageerada kale ay u heyso, waxa ayna Masuuliyiinta maamulka gobolka sheegeen in basaskan loogu adeegayo shacabka Muqdisho.

Dowlada Qadar ayaa xoojisay taageerada ay siineyso dowlada Soomaaliya tan iyo markii Qadar ay go’doomiyeen Wadamada Khaliijka Qaarkood, waxa ayna Qadar dowlada Soomaaliya uga mahad celisay go’aankii ay ka qaateen Xiisada Khaliijka.

Qadar ayaa sidoo kale dhawaan la filayaa in dalka ka fuliso Mashaariic kala duwan sida dhismaha Wadooyin waa weyn, waxa ay sidoo kale dowlada Qadar dowlada Soomaaliya ka taageertaa dhinacyo kala duwan oo muhiim u ah Dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaabiis maanta loo wareejiyay Xabsiga Cusub ee Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xildhibaan Fiqi ”Senator Muuse Suudi reer Kismaayo waa u diideen inuu cagahiisa ku socdo”

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo baaq cusub u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---