Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Gabar 34-sano jir ah oo noqotay Ra’isul Wasaaraha Dunida ugu yar

Hogaaminta siyaasada wadamada Caalaamka ayaa xiligan u muuqata mid ay la wareegaayaan dhalinyaro da’dooda ka yartahay 40-sano ,halka markii hore ay siyaasada hogaamin jireen dad da’ ah.

Sanna Marin oo 34 jir ah ayaa loo doortay in ay noqoto ra’isal wasaaraha cusub ee dalka Finland, waxaana gabadhan loo aqoonsaday Ra’isul Wasaaraha ugu da’da yar ee dunida xiligan.

Gabadhan oo horey u aheyd Wasiirka gaadiidka ee Finland ayaa loo doortay in ay noqoto Ra’iul Wasaaraha dalka Finland kadib markii uu is casilay Raisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Antti Rinne.

Sanna Marin ayaa hogaamin doontaa xukuumad wadaag ah, siyaasadeedu bidix dhexe tahay oo ka kooban shan xisbi, waxaana xusid mudan in shantan xisbi ay dhamaan hogaamiyaan Dumar.

Ra’isal wasaaraha dunida ugu yar ayaa horey waxaa u ahaa Ra’isul Wasaaraha dalka  Ukraine, Oleksiy Honcharuk, oo  35 jir, waxaana hada la wareegeysa Ra’isul Wasaaraha ugu yar Dunida Sanna Marin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hoobiye ka haboobay xero Tababar ciidan ka socday oo dad Shacab ah dilay

Cabdi Cade

Somaliland oo Shaacisay in war farxad leh kasoo socdo heshiiskii ay la galeen Itoobiya

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlay kulan xasaasi ah oo dhexmaray Wakiilka QM ee Somalia & danjiraha Imaaraadka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---