Muwaadin Soomaaliyeed oo kunool Gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa xabsiga la dhigay kadib markii fariin uu ku sheegayo in uu qarax geesanayo soo dhigay bar uu Facebooka ku leeyahay.
Ciidamada Dambi baarista dalka Mareykanka ee FBI ayaa xabsiga dhigay Cabdalla Axmed Cige oo 25 sano jir deggan Gobalka Minnesota, kadib markii uu ku hanjabay in uu qarxinayo Dhismaha Hoolka ee magaalladda Saint Cloud ee Gobalka Minnesotta.
Saraakiisha FBI-da oo baaritaano sameeyay ayaa boorso uu wiilkan lahaa waxa ay ka heleen meel ku dhaw dhismaha uu ku hanjabay in uu qarxinayo, hasa ahaatee boorsada wiilkan ayaan laga helin waxyaabaha qarxa.
Eedeesanahan Soomaaliyeed ayaa la sheegay hadii lagu helo dambiga loo xiray in uu muteestan xabsi dhoor sano ah ama ganaax lacageed oo aad u badan sida uu qoray Wargeyska The Saint Cloud Times.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com