Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxmaan C/shakuur oo si cad u shaaciyey inuu ALLE uga towbad keenay gefkii uu galay

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishuur Warsame oo ayaa caawa ku dhowaaqay inuu Allah uga towbad keenay gefkii dhinaca diinta ahaa ee ku jiray khudbad uu ka jeediyey dalka Jarmalka.

“Mar kale waxaan rabaa inaan cadeeyo xadiiskii Nabiga CSW ee doodu ay ka dhalatay inaanan diidaneyn oo aan ictiraafsanahay xadiiskaas inuu yahay mid saxiix ah, waxaan kaloo ictiraafsanahay sida Nabigeena Muxamed NNKH uu fasiraadda uga bixiyey, waxaan kaloo ictiraafsanahay diinteena Qur’aanka Kariimka iyo sunnada Nabiga CSW inay tahay diinta xuquuqda ugu badan siisay haweenka, sidaas darteed wax kasta oo khalad ah oo khudbadaas ku jiray waxaan Ilaahey subxaanahu watacaalaa weydiisanayaa inuu iga cafiyo, waana uga towbad keenay” ayuu yiri Warsame.

Waxaa uu u mahad celiyey culimadii sida wanaagsan uga fal celiyey gefka uu galay ugana naseexeeyey, isagoo dhinaca kale sheegay inuu cafiyey culimo uu sheegay iney isaga ku xad gudbeen si aan habooneyna uga hadlay qaladka diineed ee uu ku dhacay.

Hoos ka daawo muuqaalka C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Sh/Hoose mid cusubna magacaabay

Cabdi Cade

Dil loo geysatay Xildhibaan Baarlamaan & dabley ka dambeysay oo la baadi goobayo

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo lagu buuqay xili uu khudbad ka jeedin rabay Munaasabada furitaanka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---