Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

War-Saxaafadeed xasaasi ah oo ka soo baxay Xukuumada federaalka Somalia (Akhriso)

Dowladda federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday gobolka Mudug.

Dagaaladan ayaa ka socday maalmihii la soo dhaafay degaano hoos taga magaalada Gaalkacyo.

Maleeshiyooyin ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo dagaaladan ku leh ayaa la sheegay iney isku heystaan dhul daaqsiin ah oo ku yaalla goobaba la isku fara saaray.

Dad ka badan 25 qof oo u badan dhinacyada dirirtu u dhexeyso ayaa ku dhintay dagaaladan halka qaar kale oo badana ay ku dhaawacmeen, waxaana fashilmay waan waan ay wadeen waxgarad isku dayay iney nabad dhex dhigaan beelaha walaalaha ah.

x

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga doorashooyinka Puntland oo ansixiyay 8 Xisbi siyaasadeed (Akhriso)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qarxii ka dhacay Muqdisho iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Britain oo shaacisay iney muwaadiniinteeda kala baxday dalka Sudan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---