Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dalalka reer galbeedka oo ka qeyliyey gantaal ay soo saartay Iran

Dalalka reer galbeedka ayaa Qaramada Midoobay uga digay iney Iran sameysaneyso gantaal ay riddadiisu dheer tahay oo awood u leh inuu qaado Niyukilarka, taasina ay tahay mid ka horimaneyso qaraarki golaha ammaanka ee qaraada midoobay.

Warqad ay si wadajir ah u soo qoreen dalalka Britain, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa lagu sheegay iney Iran tijaabisay gantaalka riddada dheer ee baalastika Shahab-3, oo awod u leh inuu qaado hubka Niyuukilarka.

Tallaabbooyinka noocaasi oo ay qaadday Iran waxay sheegeen iney lid ku yihiin qaraarki lagu meel mariyey heshiiski Niyuukilarka Iran ee 2015-kii.

Hase yeeshee Iran eeddaasi loo soo jeediyey waa ay diidday, iyadoo Wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohamed Javad Zarif uu sheegay warqadda ay waddama ka mid ah quwadaha reer galbeedka ay soo qoreen ‘iney ku qoreen been abuur’ si ay u daboolaan awooddooda aadka u liidata ee gudashada waajibaadka ka saarnaa heshiska Niyuukilarka ee ay galeen.

 

Related posts

Arrin yaab leh oo laga soo weriyey Madaxweyne Trump

Caydiid Ali

Shir xasaasi ah oo Magaalada Garowe uga furmaya Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland

Caydiid Ali

Madaxda Qaranka oo ka qeyb gashay Salaad Janaaso oo lagu dukay Marxuun Xildhibaan Axmed Mayow (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---