Allbanaadir.com
NEWS

Taliska Xoogga dalka oo War ka soo saaray boob la sheegay inuu ka dhacay Xerada tababarka Imaaraadka

Taliyaha Hoggaanka Siyaasada iyo wacyigalinta ciidanka Xoogga dalka G/sare Cabdi Xamiid Shiikh Cali (Xaydar) ayaa been abuur ku tilmaamay warar ay faafiyeen Warbaahinta gudaha qaarkood oo sheegayey in la boobay agab yiilay xero Imaaraadku ku tababaraan ciidamada Soomaalida.

Waxaa uu intaas ku daray in maanta xerada uu booqday abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka aysana waxba ka jirin wararka sheegaya dhibaatooyin xeradaas ka dhacay.

G/Sare Xaydar waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay wararka la baahiyey qaarkood oo sheegaya in ciidamada Xoogga dalka uu iska horimaad ku dhaxmaray gudaha xerada Imaaraadka, waxaana uu xusay in Macalimiin iyo tababarayaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka ay hadda ku sugan yihiin gudaha xerada General Gordan.

Taliyaha hogaanka siyaasada iyo wacigalinta ciidanka Xoogga dalka ayaa ku goodiyey iney sharciga la tiigsan doonaan warbaahinta baahisay wararkaasi been abuurka ah.

Hadalka taliyaha ayaa ka dambeeyey xili maanta Xerada tababarka Imaaraadka Jen. Gordan ee ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho uu ka dhacay boob lagula kacay agabkii yiilay ee loo adeegsanayey tababarka ciidamada Soomaalida.

Falkan ayaa dhacay wax yar ka dib markii ay dalka ka dhoofeen Saraakiisha tababarayaasha Imaaraadka Carabta ee ku sugnaa Xeradaas, iyagoo dalkooda dib ugu laabtay ka dib markii uu xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiisha Imaaraadka ay qalabkii muhiimka ahaa kala baxeen xeradaas, lana geeyey xarunta Safaarada Imaaraadka Carabta oo ku taalla degmada C/casiis, iyadoo arintana ay timid xili war ka soo baxay xalay dowlada Imaaraadku ay ku sheegtay in la joojiyey gebi ahaan tababarkii ay siin  jireen ciidamada dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

K/Galbeed oo ka hor timid qorshaha DF ee dalka saarayo ciidanka Itoobiya

Caydiid Ali

Mashruucii Trump hubka uga iibinayey Sacuudiga & Imaaraatka oo la hakiyay

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo howlgal ku dilay in ka badan 25 xubnood oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---