Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo ah guddoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Shiikh Max’ed Cabdi Uma loo ka tirsan culimada Soomaaliyeed.
Shiikh Umal oo ka falcelinayey hadalkii muranka dhaliyey ee uu jeediyey C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inuu dafiray Xadiis saxiix ah oo ka sugnaaday nebiga NNKH isla markaana uu ku been abuurtay culimada, isagoo taa badealkeeda ammaan kala dul dhacaya haweenay gaalnimo ku waynaatey oo ula jeeday raisul Wasaaraha Jarmalka Angela Merkel.
Waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay in diinta oo lagu ciyaaro iyo axaadiista rasuulka oo la beeniyo laga dhigto jaranjaro lagu gaaro dano siyaasadeed iyo Kursi, isagoo C/raxmaan C/shakuur ku tilmaamay nin aan u qalmin inuu ummada hogaamiyo, wuxuuna ugu baaqay inuu ka towbad keeno qaladkaas uu galay ILAAHAY-na u soo laabto.
Hadaba C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal jawaab celin ah soo dhigay baraha bulshada kaasoo sidan u qornaa:-
Waxaan dhegaystay hadal uu Maxamad Cabdi Umal kaga falceliyey khudbad aan horay u jeediyey. Hadalka Umal wuxuu ku soo beegay caawa fiidkii, ka dib maanta duhurkii oo aan dadwaynaha Soomaaliyeed u caddeeyay ugana cudurdaartay wixii khalad ah ee hadalkaygii hore ku jiray. Waxaanse la yaabay in Umal uu si ula kac ah oo shakhsi ah ii lafa gaaray.
Wuxuu igu tilmaamay: “Jaahil, eey oo kala ah, gaalo raac, Nebi diid ah, Diinta ka xuubsiibtay, dumarka cod si khiyaano ah uga raadsanaya.”
Wuxuu Umal shacabka Soomaaliyeed ku eedeyey in ay raggii soo qixiyay xukunka ku abaal mariyeen, oo ay madax ka dhigteen. Waxaa uu kaloo sheegay in kuwo aan anigu ka mid ahay ee soo socdana ay gaalo raac yihiin.
Umal wuxuu ka gaabsaday gabood falka iyo xadgudub ka madaxda haatan talada dalka haysa. Wuxuusan juuq ka oran dhiibistii Qalbidhagax, xasuuqii Baydhabo, cunaqabataynta shacabka Kismaayo, iyo weerarkii wiilasha ilaalada ii ahaa ee xarunta Xisbigayga lagu xasuuqay.
U hiilinta Diinta ka mid maaha miyaa ilaalinta dhiiga Muslinka, dhowrista sharafkiisa iyo xuquuqdiisa?
Lama yaabbani Sheekh Umal, sababta oo ah, waa ninkii na gaalaysiiyey markii aan heshiiskii Jabuuti galnay; waa ninkii gaalaysiiyey C/laahi Yuusuf; waa ninka Dawladdii Xasan Sheekh irdaha u taagnaa. Isaga iyo Xasan Daahir waxaa ay ilaalashadaan dawladda uu Farmaajo hoggaamiyo, sababtuna waa ay caddahay. Waa in Fahad Yaasiin oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Xarakada Ictisaam oo ay soo wada galeen dagaalkii Araare, Gedo iyo Boosaaso uu dawladdaan milkiile ka yahay. Waxaa dhaqan u ah gaalaysiinta Muslimka, banaynta dhiigiisa iyo ku xadgudubka cirdigiisa.
Hadal jeedinta Umal diin difaac ma ahayn, sababtoo ah ima daba taagnaadeen anigoo wax kasta cadeeyey, waqtiga intiisa badana wuxuu ku bixiyey in uu dadka iibiyo in aanan cod la i siinin. Inta kale Xasan Daahir ayuu kala mid ahaa, laakiin wuxuu kaga duwanaa in uu olole siyaasadeed oo ba’an ku jiray, laakiin waxaan ku kalsoonahay intii dhagaysataa oo caqli, cilmi iyo garasho leh in ay fahmi doonaan halka qasadkiisu yahay iyo hawsha uu Umal heeganka ugu jiro.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com