Kooxda Kubada cagta ee degmada Dharkeynley ayaa caawa ku guuleysatay koobka ama horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir ka dib markii ay rigoorayaal 2-3 ah kaga adkaadeen xulka degmada Waaberi ee difaacanayey koobka.
Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiise badan, iyagoo iska khasaariyey fursado fara badan oo goolal loo fishay balse 90-kii daqiiqo ee loogu talo galay ciyaarta ayaa waxay ku dhamaatay barbar dhac goolal la’aan ah 0-0.
Intaas ka dib waxaa labada kooxood loo dhigay rigoorayaal ama gool ku laad si loo kala saaro, waxaana 2-3 ku adkaaday xulka degmada Dharkeynley oo sidaas ku hantay koobka degmooyinka gobolka Banaadir.
Degmada Waaberi oo sanadkii afaraad oo xiriir ah timid finalka tartanka degmooyinka ayaa ku hanweyneyd iney difaacato koobka, sanadkii 3aad oo xiriir ahna ku guuleysato balse uma suuragelin caawa oo nasiibka ayaa ka hiiliyey.
Wasiirka dhalinyarada iyo iyo ciyaaraha ee dowlada Somalia iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa ciyaartoyda kooxda Dharkeynley guddoonsiiyey koobka horyaalka degmooyinka gobolka Banaadir sanadka 2019, waxaana Dharkeynley ay u noqoneysaa markii labaad ee ay koobkan hantiyaan, 8 sano ka hor ayeyna aheyd markii ugu horeysay ee ay noqdaan horyaalka degmooyinka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com