Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khasaaraha dagaalkii duleedka Gaalkacyo oo sii kordhay & DF oo ka hadashay

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook-ga uga hadlay dagaalka saaka ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo

“Dagaalka ka soo cusboonaaday degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo waa arrin aan la aqbali karin”, ayuu yiri, Mahad Cabdalla Cawad.

Mahad ayaa intaasi ku daray in Guddiga Nabadeynta iyo ciidanka xasilinta ee isku dhafka ah ay si degdeg ah u kala dhex galaan dadka walaalaha ah ee colaadu dhex martay.

Khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal saaka ka dhacay inta u dhexaysa Towfiiq iyo Afbarwaaqo oo ka tirsan gobalka Mudug.

Ugu yaraan 15 qof ayaa geeryootay, tiro intaasi ka badana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray, sida xaqiijiyeen saraakiil caafimaad, waxaana dagaalkan uu salka ku hayaa muran la xiriira dhul daaqsimeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo ku wareeray khilaafka aan dhamaadka laheyn ee Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi

Caydiid Ali

Muxuu Shiikh Aadan Madoobe kala hadlay danjire Kate Foster? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay soo kordhin karaan ciidamada DF geystay Suuqa Bakaaraha?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---