Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaaraha Itoobiya oo ku dhawaaqay inuu sameynayo isbedelo aan caadi aheyn

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed, ayaa ballan qaaday inuu isbadalo waaweyn ka samayn doono dalkaas kuwaasoo ay ka mid yihiin sharciyo uu sheegay inay horseedeen ku tumashada xuquuqda aadanaha dalkaasi.

Dr Abiy ayaa ka hadlayay isu soo bax lagu qabtay caasimada halkaasi oo uu ku baaqay in dulqaad la muujiyo iyada oo dowladiisa ay wado isbadalo lagu soo afjarayo dibadbaxyadii dowladda looga soo hojeeday oo dalkaasi ka socday ku dhawaad saddex sano.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sidoo kale balanqaaday in doorashooyiinka dalkaasi ka dhici doona 2020 ay noqon doonaan kuwa u dhaca si xaq iyo xor ah loona ogolaan doono mucaaradka iyo in ay si xor ah ol’olahooda u qabsadaan.

Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay caasimadda Addis Ababa halkaasi oo uu Dr Abiy Axmed uu mar kale ku baaqay in dulqaad la muujiyo isaga oo bilaabaya hirgalinta isbadalo uu sheegay in ay yihiin kuwa lagama maarmaan ah.

Isbadaladan ayuu rai’sul wasaaraha sheegay in ay yihiin kuwa lagu dhayayo dhaawacyadii dalka soo gaaray ka dib saddex sano oo ay ka socdeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo kuwaasi oo horseeday dhimashada boqolaal qof.

Dr. Abiy Axmed ayaa balanqaaday in isbadal lagu samayn doono sharciyadii horseeday ku tumashada xuquuqda aadanaha dalkaasi Itoobiya isaga oo xusay inuu xaqiijin doono in mucaaradka ay door ka ciyaaraan doorashooyiinka soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo bogaadiyay Dedaalada Xaslinta

Cabdi Cade

Amrullah Saleh oo sheegay inuusan weligiis isku dhiibi doonin Maamulka Taliban

Caydiid Ali

Wasiir kashifay sir culus oo la xiriirta ujeedka laga leeyahay xil ka qaadista Khayre & Warar kale

Caydiid Ali
Taboola Ads ---