Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Waare oo tababar u furay Boolis ka tirsan Maamulka Hirshabelle (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Jowhar tababar uga furay dufcadii saddexaad ee Ciidanka Booliiska Hirshabelle.

Waxaa tababarkan ka faa’iidaysanaya in ka badan 200 askari oo ka mid noqonaya ciidanka Booliska Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa ku booriyay dufcadaan inay ka faa’iideystaan tababarka la siinayo, oo ay noqdaan kuwa u adeega bulsahda.

Musaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle iyo labadiisa ku xigeen, Wasiirka Amniga Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdiraxman Kheyre, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Hirshabelle, saraakiil ka tirsan ciidanka booliska iyo AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bob Menendez oo kahor yimid mudo kororsiga ay Golaha Shacabka sameeyeen

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Somaliland oo loo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha 

Cabdi Cade

Xaliimo Yarey oo shaaciyay in ay Caqabad ku qabaan xarunta ay ku leeyihiin Madaxtooyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---