Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wasiirka difaaca Itoobiya oo si adag uga hor yimid qorshe uu wato Abiy Axmed

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wada qorshe uu ku baabi’inayo isbahaysiga haya talada dalka Itoobiya, xili doorashada dalkaasi ka dhaceysa ay ka harsan yihiin bilooyin.

Qorshaha uu wato Abiy Ahmed ee lagu baabi’nayo isbaheysa talada haya laguna dhisayo mid cusub ayaa waxaa kahor yimid xubno sar sare oo katirsa Xukuumada Itoobiya uu hogaamiyo Abiy Ahmed.

Wasiirka gaashaandhigga Itoobiya Lemma Megerssa oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xasilooni darrada dalka ka jirta ay la macno tahay inay tahay waqti aan habbooneyn la abuuro xisbi cusub.

“In xisbigan lagu milo kuwo kale ma ahan waqtigeeda, waxaa jira halis badan. Waxaan ku jirnaa xilli kala guur iyo  waqti aan soo amaahanay, waxaan wajahaynaa dhibaatooyin badan oo dhincyo kala duwan ka imanaya.” ayuu yiri Lemma Megerssa

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bishii hore ku dhawaaqay in isbahaysiga talada haya ee EPRDF la baabi’in doono islamarkaana ay sameeyn doonaan  hal xisbi oo cusub oo lagu magacaabo Prosperity Party.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in xisbigan cusub diyaariyey barnaamij cad, sharci iyo qorshaha 10-ka sano ee soo socda kaasi oo Itoobiya ku hoggaamin doona baraare  sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

Qorshahan uu wado Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa kasoo horjeeda Siyaasiyiin caan ah oo qeyb ka ah Xukuumada uu hogaamiyo iyo xubno kale oo Isbaheysiga katirsan kuwaa oon la dhacsaneyn sida uu wax u wado Ra’isul Wasaare Abiy.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Galmudug oo Maanta dhageysanaya khudbadaha Musharixiinta Guddoonka

Caydiid Ali

Kenya oo ka hadashay Kulanka Dhax maraya Muuse Biixi iyo Madaxweyne Uhuru

Cabdi Cade

RW Xamse oo daah-furay Imtixaan ay ka qeyb galayaan 8000 kun oo qof (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---