Wararka ka imaanaya degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay Gudoomiyihii degmadaasi Maxamed Aweys Abuukar .
Qaraxa Miino ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Deegaanka Sabiib iyo Degmada Awdheegle, waxaana qaraxaasi ku dhintay Gudoomiyihii degmada iyo ciidamo ilaalo u ahaa.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in qarax miino lagu dilay Gudoomiyihii degmada Awdheegle .
Ciidamada dowlada Soomaaliya gaar ahana kuwa milatariga ayaana howlgal baaritaano kawada Degmada Awdheegle gaar ahaan goobta uu ka dhacay qaraxa lagu dilay Gudoomiyihii Degmadaasi .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com