Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

(Daawo Sawirro) Kim Jong-un oo xariga ka jaray magaalo cusub oo yaab leh

Kim Jong-un ayaa xarigga cas ka jaray magaaladan oo lagu magacaabo Samjiyon – taas oo lagu tilmaamay in ay tahay mid ka mid ah mashaariicda dhismao ee ugu muhiimsan dalkaas.

Magaaladan cusub ayaa warbaahinta dalkaas ay ku tilmaameen “xujada ilbaxnimada casriga ah”.

Warbaahinta dowladda ee KCNA waxay sheegtay in – magaalada oo qaadi karta 4,000 oo qoys – ay leedahay guryo cusub, meel lagu qabto ciyaaraha barafka, iyo garoon iyo waxyabo kale.

Waxaa la sheegay in shaqaale la qasbay ay qeyb ka ahaayeen dhismaha magaalada Samjiyon.

Magaalada – xitaa haddii ay warbaahinta dalkaas xayeysiiyaan – waxay sheeko uun ku noqon doontaa shacabka Kuuriyada Waqooyi oo intooda badan saboolnimo ba’an ay ku nool yihiin.

Sida ay sheegtay hay’ad aan dowli ahayn oo lagu magacaabo Guddiga Qaran ee Kuuriyada Waqooyi, dad badan “waxay ku dhibban yihiin in ay helaan cunto, shidaal, koronto, biyo iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga ah”.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

SSC Khaatumo oo ka Warbixisay khasaaraha duqeyntii shalay ka dhacday Laascaanood

Caydiid Ali

War cusub oo kasoo kordhay Ciidamada Ukraine ee ku sugnaa Jasiirada Maska

Cabdi Cade

Somaliland oo ka hadashay muddo kororsiga DF, Baaqna u dirtay Shacabka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---