Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal sare oo katirsan Al Shabaab oo Madaxiisa la dul dhigay 5-Milyan oo Dollar

Dowlada Mareykanka ayaa baadi goob xoogan ugu jirta sargaal sare oo katirsan kooxda Al Shabaab kana soo jeeda dalkeeda, waxaana sargaalkan mudo sanado ah uu kamid yahay xubnaha sar sare ee ajaaniiba la jooga Al Shabaab.

FBI-da Mareykanka ayaa sheegtay in la abaal marinayo cidii keenta xog lagu dili karo ama lagu qaban karo Jehad Serwan Mostafa oo katirsan Al Shabaab, waxaana ninkan la sheegay in uu yahay ninka ugu sareeya ee Mareykan kasoo jeeda oo katirsan Al Qaacida.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Jehad Serwan Mostafa uu noqday madaxa Ajaanibta Al-Shabaab, madaxa qaraxyada Al-shabaab, tababare sare oo ka tirsan AL-shabaab iyo madaxa warbaahinta ee Al-shabaab.

Jehad Serwan Mostafa ayaa la sheegay in uu Al Shabaab kusoo biiray sanadkii 2006-dii, waxa uuna ninkan kamid ahaa ragii la dagaalamay ciidamada Itoobiya oo xiligaas duulaan kusoo qaaday gudaha Soomaaliya.

Dowlada Mareykanka ayaa horey lacago malaayiin Dollar ah u dul dhigtay madaxyada xubno sare oo katirsan Al Shabaab kuwaa oo qaarkood lagu dilay duqeymo halka kuwa kalana wali Mareykanka baadi goob ugu jiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dadka Qurbaha kunool Maxey ka Faa’iidayaan in dagaal ka dhaco Muqdisho ?

admin

Hotel ay degnaayeen Muwaadiniin Mareykan iyo British ah oo gantaal lagu dhuftay

Cabdi Cade

God laga helay meydadka 13 Muwaadiniin Turkish ah oo afduub loo heystay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---