Allbanaadir.com
NEWS

Col. Cismaan Abshir (Kabayare) oo ku dhintay qarax ka dhacay Buuraha Galgala

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in maanta uu qarax ku dhintay Madaxii Miino Baarista Puntland Col. Cismaan Abshir (Kabayare).

Taliyaha ayaa la sheegay inuu haleelay Qarax lagu aasay aagga buuraha Galgala ee gobolka Bari, halkaasoo ay ciidamada Puntland fariisin ciidan ku leeyihiin kana wadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.

Qaraxa ayaa haleelay sarkaalkan xilli ay ciidamadu ku howlanaayeen soo saarista miino jidka dhinaciisa lagu aasay sida ay sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland.

Laamaha ammaanka Puntlad weli wax war ah kama soo saarin qaraxan uu ku dhintay sakaarkaal miina baarista u qaabilsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Guddomiye Mursal iyo guddiga difaaca golaha shacabka? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Jugta Qarax xooggan oo goor dhow laga maqlay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Kaluumeesato Kenyan ah oo lagu qasbay in ay Cunaan Kaluun Ceyriin ah iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---