Allbanaadir.com
NEWSPUNTLANDSOMALILAND

Saldhig ciidamada Somaliland ku leeyihiin degmada Ceerigaabo oo la weeraray

Kooxo hubeysan oo sida la sheegay ka tirsan Jabhadda uu hoggaamiyo Col. Caarre ayaa xalay weeraray saldhigga Ciidanka Booliska Somaliland ku leeyihiin magaalada Ceerigaabo.

Weerarkan oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa waxaa la sheegay inuu sababay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Ciidanka Somaliland ee ku sugnaa saldhigga ayaa la sheegayaa inay iska caabin kala hortageen Jabhadda weerarka ku qaadday Saldhigga.

Dadka degaanka ayaa sheegay iney xalay saqdii dhexe maqlayeen rasaas culus oo ka dhaceysa aaga saldhiga Booliska degmada, iyagoo intaas ku daray iney cabsi iyo argagax dareemayeen.

Ciidamada uu hoggaamiyo Col. Caarre ayaa waxaa ay dib ugu laabteen saldhig ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Ceerigaabo.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ka dhashay dagaalkaasi, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Gudoomiyay kulan Hordhac u ah Shirka Wadatashiga (Sawirro)

Cabdi Cade

Boqolaal qof oo ku dhintay dayuurad ku burburtay Magaalada Algiers (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wadahadalo dhax maray Wasiiradda Gaashaandhigga Somalia & Itoobiya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---